Warar dheeraad ah oo ku saabsan howlgal laga sameeyay Muqdisho

by admin | Sunday, Dec 14, 2014

Muqdisho : HN :– Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya howl-gal ballaaran oo xalay ciidamada booliska ka sameeyeen degmada Xamar weyne, iyadoo howl galkaas ahaa kii u horeeyay abid ay ciidamada gur guri ku baaraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada howlgalkooda ku soo qab qabteen ilaa 228 ruux oo qaarkood la kala saaray, iyadoo ciidamada ay si gaar ah wadooyinka uga qabanayeen dhalinyarada ay ka shakiyaan.

Howl galkan ayaa intii uu socday waxaa uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsi, waxaana uu si guud ah u saameeyay afarta waaxood ee ay ka kooban tahay degmada Xamar weyne.

Howl galkan ayaa waxaa si wada jir u fulinayay ciidamada Booliska AMISOM iyo Booliska Soomaaliya, waxaana howl galkan uu kahowlgal1 dambeeyay markii ay ciidamada heleen xogo ah in xubno ka tirsan Shabaab ku dhuumaaleysanayaan xaafadaha.

Boqolaalka ruux ee howl galka lagu qab qabtay ayaa waxaa la isugu geeyay banaanka saldhiga, inkastoo intooda badan la sii daayay, markii la kala saaray.

Col Khaasim Axmed Rooblle afhayeenka afhayeenka howlgallada  ayaa sheegay in howl galkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, waxaana uu xusay in 228 ruux oo ay ku qabteen ka soo reebeen 30-ruux oo la tuhmayo inay ku lug leeyihiin falalka amni dari.

Waxaa uu sheegay in howl galkan uu sii soconayo inta laga xaqiijinayo ammaanka, waxaana uu xusay in ciidamada booliska ay habeen iyo maalin heegan ugu jiraan sugida amniga Caasimada sida uu yiri.

Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howl galada lagu sugayo amniga, inkastoo mararka qaar ay magaalada ka dhacaan weeraro iyo qaraxyo, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegato Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!