Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax caawa ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada

by admin | Monday, Sep 21, 2015

Muqdisho : HN :– Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday oo maqribnimadii caawa ka dhacay bar-koontarool oo laga galo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ilaa todob ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa waxaana la sheegay in dadka ku dhintay qaraxa ka mid ahaayeen labo ruux oo cadaan ah laakiin aan wali ka xaqiijin dhalashooda.

Qaraxa waxaa siddoo kale ku dhaawacmay dad uu ka mid ahaa guuddoomiyaha degmada Wardhiigley Yasiir Nuur, oo dhaawacu ka soo

Hisilicon Balong

Hisilicon Balong

gaaray qeybaha hoose ee jirka.

Weerarka ayaa la sheegay in ay loo adeegsaday gaari wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu watay ruux naftiis hore ah, waxaana gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Koontaroolka laga galo Madaxtooyada halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo iyo gaadiid badan.

Dad ku sugnaa agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in xiliga qaraxu dhacayay ay halkaasi marayeen gaadiid ay leeyihiin QM, kuwaa oo la sheegay in ay xarunta madaxtooyada kasoo qaadayeen ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Nocolas Kay oo xiliga qaraxu dhacayay ku sugnaa madxatooyada.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa u gurmaday goobtana ka qaaday gaadiidka gurmadka deg dega ee Amplaasta, waxaana wali xiran halka uu qaraxu ka dhacay halkaas oo lagu arkayo ciidamada Dowlada Soomaaliya oo aad u hubeesan.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay in uu u dhacay qaraxa sidii loo qorsheeyay, islamarkaana beegsadeen bartilmaameedkii ay u baahnaayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!