Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax saakay ka dhacay Muqdisho

by wadani | Sunday, Dec 11, 2016

Muqdisho :HN :- Ugu yaraan 10-ruux, ayaa ku dhintay intaa ka badana way ku dhaawacmeen Qarax ismiidaamin ah oo saaka aroortii hore lagu Weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Berriga oo ku taalla agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa dhacay xilli uu billowgay ganacsiga, sidoo kalena shaqaalaha Dekedda Muqdisho ay isku diyaarinayeen shaqo, inkastoo aysan jirin weli cid sheegay inay mas’uul ka tahay weerarkaan.

Siidoo kale, Qaraxan oo loo adeegsaday Baabuur Qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ay ciidamada nabad-sugida Somalia ku sheegeen warbixin ay soo saareen inay fashiliyeen Qarax la doonayay in lsoo geliyo Muqdisho.

Goobjoogyaal ku suganaa meel ku dhaw halka uu Qaraxu ka dhacay, ayaa u sheegay wabaahinta in Qaraxa uu ahaa mid xooggan, ayna arkeen tiro 10-qof ka badan oo ku dhintay Qaraxa.

Saraakiisha Booliiska Somalia ayaa iyaguna qaarkood la hadlay Warbaahinta iyagoo qaraxan ku eedeeyay Al-shabaab, isla markaana sheegay in khasaare aad u xoog badan uu geystay.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa imaanaya xilli la isku diyaarinayo inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha dhammaadka bishan, iyadoo Al-shabaab ay ku martay wacad inay carqaladeynayso doorashooyinka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!