Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho [Sawirro]

by admin | Tuesday, Apr 21, 2015

Muqdisho : HN :– Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lagu bartilmaameedsaday maqaaxi ka soo horjeeda hoteelka Central ee magaalada Muqdisho, waxaana inta la og-yahay ku dhintay ilaa 12 ruux oo dhamaantood ahaan dad rayid ah.

Maqaaxi1Maqaaxida la weeraray ayaa lagu magacaabaa BANOODA, waana maqaaxi inta badan ay dadku isugu iman jireen xiliga qadada, madaama laga hello cunada Soomaalida dhaqan ahaan u leeyihiin sidda Soorta iyo Muufada.

Dadka dhinta ayaa la leeyahay waxaa ku jira saddex haween ah oo goobta shidaal ku iibinayay iyo kuwa kale oo dumaamo ganacsi ku lahaa agagaarka, siddoo kalana waxaa uu dhaawac culus weerarkaas ka soo gaaray haweeneydii iska laheyd maqaaxida maanta la bartilmaameedsaday.

Saraakiisha maamulka gobolka Banaadir oo goobta tagay ayaa sheegay in aysan jirin cid ka tirsan dowladda oo wax yeello ka soo gaartay weerarkii maanta, hasse ahaatee dadka meesha ku dhintay ama ku dhaawacmay dhamaantood yihii dad shacab ah.

maqaaxi2Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay in ay weerarkaas ka danbeysay, laakiin weeraro noocan oo kale ah oo horay caasimada uga dhacay waxaa mas’uuliyadooda sheegtay xarrakada Al-shabaab.

qarax-banodamaqaaxi5maxaaqi6

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!