Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyo caawa lagu weeraray hoteello ku yaalla Muqdisho

by admin | Friday, Jul 10, 2015

Muqdisho : HN :–Inta la og-yahay 10 ruux ayaa ku dhimatayu qaraxyo iyo weerar toos ah oo lala beegsaday Maqrib-nimadii Caawa Hote Wehiye oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama ee Magaaada Muqdisho, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay dad deggenaa hoteeka Wehliye, iyadoo kooxo ka mid ah kuwii weerarka soo qarax_undp_17qaadayna ay ku dhinteen qaarkood weerarka. Iyadoo aan si dhab ah oo ogeyn khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca inta ay le’eg yihiin.

Waloow wali aan la heynin warar sugan oo ku saabsan weerarka ayaa haddana waxaa weli ka dhacaya Hoteelka Wehiye rasaas xooggan oo ay geysanayaan kooxihii hubeysnaa iyo ilaaladii hoteeka oo la sheegayo inay gudaha hoteeka weli ku dhex-dagaaamayaan.

Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Qarax kale lagu weeraray Hoteel ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyada Somalia, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana la xiray gabi ahaan isku socodka Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!