Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar Al-shabaab ku qaadeen xero AMISOM ay deganaayeen

by admin | Friday, Jun 26, 2015

Leego : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in xogag ka tirsan Al-shabaab la wareegeen gacan ku heynta saldhig militari oo ay deegaanka Leego ku lahaayeen ciidammada midowgga Africa AMISOM kaddib markii ay subaxnimadii hore ee saakay ku qaadeen weerar culus oo lagu bilaabay Ismiidaamin.

Afhayeen u hadllay AMISOM ayaa beeniyay in Al-shabaab la wareegeen saldhiga militari, hasse ahaatee guddoomiyaha gobolkaAl-shabaab-Somalia Shabeellaha hoose iyo dadka deegaanka ayaa sheegaya in cidammada AMISOM dib uga gurteen saldhiga la weeraray, waxaana jira ayaa la leeyahay khasaare xoog leh oo soo gaaray AMISOM

Siddoo kale guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siddii ayaa sheegay in ay la yihiin guddoomiyihii deegaanka Leego iyo ku-xigeenkiisii, waxaana soo baxaya shaki la xiriira in guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ka mid noqdeen dad ay qafaasheen Al-shabaab.

Weerarka saakay ayaa la sheegay in uu ahaa mid culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan,waxaana ay u muuqdeen xoogagga ee weeraray deegaanka kuwo aad u hubeysan oo diyaar-garoow xoog leh u gallay weerarka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!