Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar lagu dillay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

by admin | Monday, Feb 16, 2015

Muqdisho : HN :–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar goor dhaw oo maanta ah lagu dillay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarrada duulista hawada.

Ilaa Afar ruux oo uu ka mid ahaa darawalkii gaarigii ay wateen saddex sarkaal oo ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta lagu dilay isgoyska KM-4 ee Muqdisho, iyadoo dilka xubnahan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Wararku waxaa sheegayaan in howl-wadeenada la dillay ka yimaadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo watay gaari yar oo kuwa raaxada ah.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa soo gaaray goobta kaddib markii uu dilku dhacay, iyadoo dilkan uu ka dhacay illinkaMuqdisho1 hore ee hoteelka Naasa-hablood oo ku dhow isgoyska KM-

Ragga toogashada lagu dilay ayaa kala ahaa Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya,  Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada ,  Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo , Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaariga saddexda sarkaal.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sadexda sarkaal ee ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo darawalkii u waday gaariga.

“Ciidamadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaarsiga aan ku hayno xubnaha dowladda,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay kooxo hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay xaafada Tabakaayo Madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley ay ku dileen sarkaal ka tirsan wasaaradda qorsheynta oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!