Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Puntland

by Somali | Wednesday, Dec 5, 2012

Boosaaso : HN :  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Sugure oo qiyaastii 50km dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobollka W/bari kadib weerar culus oo dagaalyahanno la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan Toban ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay, waxaana dagaallyahanada Al- Shabaab ee weeraray deegaankaas u suura gashay inay la wareegeen saldhigii ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Sugure.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gurmad ay uu maamul gobolleedka Puntland u dirray deegaannka lagu dagaallamay sidoo kale jidka loo dhigay waxyaabaha qarxa, taasoo keentay in uu qarxo mid ka mid ah gadiidkii ay ciidamadu la socdeen oo ay ku dhinteen sida ay wararku sheegayaan ilaa 12 askari oo ka tirsanaa kuwa maamul gobolleedka Puntland.

Askarta ku dhintay dagaallka ayaa la geeyay isbitaal ku yaal magaalada Boosaaso, waxaana la sheegayaa inuu ku jiro sarkaalkii ugu sareeyay ciidamada Puntland ee joogay deegaanka Sugure oo magaciisa lagu soo koobay Dhega-weyne.

Khaliif Ciise Mudan oo ah wasiirrka amniga maamulka Puntland ayaa sheegay in weerar gaadmo ah sida uu sheegay lagu soo qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland islamarkaana ay ku dhinteen sida uu sheegay in ka badan 10 askari.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo waayaadan soo mara ciidamada maamul gobolleedka Puntland.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!