Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar lagu qaaday guddoomiyaha degmada Mandheera

by admin | Friday, Mar 13, 2015

Mandheera : HN :–Inta la og-yahay ilaa saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab maanta ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo Guddoomiyaha degmada Mandheera la socday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Mandheera ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha degmadaas Cali Ibraahim Roba oo ahCali1 mas’uulka la weeraray uu saaka ka tagay magaalada Mandheera, isla markaasna uu ku socday magaalada Ceel-waaq oo uu damacsanaa inuu ka fuliyo Mashaariic horumarineed iyo mid kor loogu qaadaayo tayada waxbarashada laguna dayac-tiraayo xarumaha wax lagu barto.

Weerarka ayaa dhacay xili guddoomiyuhu uu maraayay inta u dhaxeyso magaalooyinka Lafey iyo Fino, waxeyna wararku sheegayaan in Mudanuhu uu gaaray magaalada Ceel-Waaq isagoo nabad qaba.

Guddoomiyaha Gobolka Alex Ole Nkoyo, isagana sheegay in saddexda qof ee gooriyootay ay kala ahaayeen Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Mandheera iyo labo oo ka tirsanaa askartii illaalineysay Mudanaha laCali2 weeraray, sidoo kalana wuxuu sheegay Alex iney jiraan dad dhawac uu soo gaaray.

Dhanka kale, wararka madaxa banaan ee laga helayo Mandheera ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ahaa baabuurtii guddoomiyaha la weeraray ay af-duubeen kooxihii weerarka soo qaaday balse Masuulka aan wareysanay ayaa sheegay in uunan xaqiijin karin sheegashadaas.

Ku dhawaad todobo qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas waxeyna wararku ay intaas ku darayaan in qaar kamid ah dadkaas dhaawaca soo gaaray uu yahay mid culus.

Baabuurkii uu la socday Guddoomiyaha la weeraray, ayaa wararku waxey sheegayaan inuu si xoog ah ku dhaafay goobta halka baabuurtii kale qaarkood oo waday odayaal dhaqameed ay xabaduhu haleeleen, waxeyna u adeegsadeen kooxihii weerarkaas sooCali3 qaadday Bam-baanooyin iyo qoryaha daran-dooriga u dhaca.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!