Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar lagu qaaday xog-yihii hore ee NUSOJ

by wadani | Tuesday, Dec 29, 2015

12431272_940744076011438_1730249835_nMuqdisho : HN : –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya isku day la doonayay in lagu khaarjiyo xog-yihiin hore ee ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruq Osman.

Weerarka ayaa dhacay xili Cumar Faaruq uu sii galayay xafiiskiisa oo ku yaalla ka soo horjeeda Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan.

Kooxaha weeraray xog-hayaha ayaa tacshiirad xoogan huwiyay iyadoona dhinacooda ay rasaas isaga difaaceen ilaalada Cumar Faaruuq taas oo keentay in dableyda weerarka ka dambeysay ay baxsadaan.

faarInta la ogyahay labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi iyadoona weerarkaan uu ku soo beegmayo xilli xalay Cumar Faruq Cismaan uu kaga soo horjeestay xeerka saxaafadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ugu baaqay madaxweyne Xassan Sheekh in uusan saxiixin.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!