Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Baydhabo

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Baydhabo  : HN :– In ka badan 10 ruux oo isugu jira xoogaggii weerarka qaaday, ciidammada dowladda, kuwa Itoobiya iyo dad shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen, weerar ismiidaamin ah oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarrakada Al-shabaab oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo.

Kooxda weerarka qaaday oo ku labisneyd dareyska ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay si qarsoodi ah ku gaareen2015312635617481321976575Qarax_Maanta_ka_dhacay_Baydhabo xarunta maamulka Koonfur galbeed, halkaasoo uu waqtigaa shir uga socday gollaha wasiirrad maamulka uuna shir guddoominayay  Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Wasiirrka ammniga maamulka Cabdifitaax Ibraahim Geeseey ayaa dhiniciisa BBC-da u sheegay in weerarkaa ay kaga geeriyoodeen sida uu hadalka u dhigay saddex askari oo kaliya, dhamaannna la toogtay kooxihii weerarka soo qaaday.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay mas’uul ka aheyd weerarka halkaana ku dilleen tiro askar ah oo isugu jira kuwa dowlladda iyo AMISOM.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!