Warar dheeraad ah oo la xiriira qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho ‘Sawirro’

by wadani | Thursday, Dec 15, 2016

Muqdisho :HN :- Warar dheeraa dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaayada loo yaqaan The Village oo ku taala dhismaha guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu watay nin waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen uu qarxay xili uu marayay laamiga gaar ahaan meel ku dhaw Dhismaha Maqaayada The Village oo kutaala kasoo horjeedaka Tiyaatartka gaar ahaan dhismaha Guriga Hooyooyinka.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in gaariga qarxay ay daba socdeen gaari ciidan oo eryanayay, waxaana gaariga uu qarxay kadib markii la sheegay in uu si xowli ah ku socday uuna ku rogmaday askariga jiifa ee laamiga loo sameeyay.

Inta la xaqiijiyay ninkii watay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay sadex qof oo kale oo la saheegay in ay ahaayeen dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Ugu danbeyntii, qaraxa halka uu ka dhacay waxaa soo gaarya ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida kuwaa oo xiray halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ay sidoo kale Ciidamada u gurmadeen dadkii shacabka ahaa ee waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!