Warar dheeraad ah qaraxyo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho

by wadani | Monday, Jan 2, 2017

Muqdisho : HN :-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo waaweyn oo maanta gilgilay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwo loo adeegsday walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qarax koowaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay barkoontrool oo ay ku sugnaayeen ciidammada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Halka qaraxa labaad lagu bartilmaameesaday ilinka laga gallo garoonka dhinaca degmada Madiine iyo hotelka Peace inta u dhaxeysa, waxaa la rumeysan yahay in qaraxan labaad ujeedkiisu ahaa hotelka oo ay degan yihiin diblumaasiyiin shisheeye iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Waxaa la rumeysan yahay in qaraxyada wax yeelo ka soo gaartay ciidammada AMISOM oo ku sugnaa barta koontarool ee la weeraray.

Ugu danbeyntii, ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada maanta dhacay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!