Warar dheeraad oo ku saabsan dagaalladii degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud

by admin | Saturday, Dec 13, 2014

Dhuusa-mareeb : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xaalada degmada waqtigan tahay mid degan, kaddib dagaalo culus oo saacadihii hore ee maanta ku dhaxmaray degmada ciidammo ka tirsan ku dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaallka oo labo waji lahaa ayaa la sheegay in subaxnimadii hore ee saakay uu dhaxmaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo xoogagga Alhu Sunna Waljameeca, taasoo keentay in dagaalyahannadii Ahlu Sunna dibada looga saaro degmada, hasse ahaatee dagaal kale oo rogaan celin ah ayaa ka qarxay mar kale degmada kaddib markii ay ciidammo gurmad ah soo gaareen kuwa Ahlu Sunna.

Sarkaal u hadllay maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in gudaha degmada Dhuusa-mareeb kula dagaallameenguriceel31 sidda uu hadalka u dhigay kooxo burcad badeed ah oo magaalada soo weerartay, waxaana uu intaa ku darray in hadda qeybo ka mid ah magalada ay ku jiraan.

Waxaa uu beeniyay in laga saaray xoogagooda gudaha degmada, isaga oo ku eedeeyay ciidammada dowladda ee ku sugan Dhuusa-mareeb in ay gacan siinayaan kooxo burcad badeed ah.

”Haddii aysan ciidamada dowladda ka waantoobin arrintaa iyada ah, waxaa qasab in aynu ula dagaallanno sidda burcad badeeda oo kale ayuu yiri” sarkaalka u hadllay xoogagga Ahlu Sunna.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay dowladda ka soo saartay dagaallanadan ka soo cusboonaaday gobollada dhexe ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!