Warar dheeraad oo ku saabsan qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Oct 13, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca qarax xalay lagu weeraray maqaaxi lagu magacaabo Oromo Caffe oo ku taala meel aan sidda uga fogeyn xarunta gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 ruux oo rayid ah , halka tiro kale oo intaa ka sii badanna ay ku dhaawacmeen, kaddib gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay oo la soo dhigay ilinka hore ee maqaaxida uu halkaa ku qarxa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen gaariga, laakiin markii hore ay u heysteen mid ka mid ah gadiidka ay wataan dadkaoromao maqaaxida u soo caweys taga, hasse ahaatee markii danbe ay ka war heleen qarax weyn oo uu gaariga sameeyay.

Lama oga in uu la socda ama uu saarnaa qof ismiidaamiye ah iyo markii goobta la soo dhigay kaddib looga tagay, hasse ahaatee waxaa la arkay markii uu qarax dhacay kaddib meydadka tiro dad ah oo ka mid ahaa dadkii maqaaxida ku sugnaa oo goobta daadsan.

Dhaawacyada intooda badan ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay jiraan dad xaaladooda caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka una baahan daaweyn dibada ah.

Weerarka xalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay galinkii hore kooxo hubeysan oo la socday gaari rasaas la beegsadeen mid ka mid ah wariyayaasha ka howlgala Tv-ga Somali Chanel oo xaaladiisa caafimaad lagu baxnaaninayo isbitaalka Madiina.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!