Warar sheegaya in ciidamada Kenya Sakariye Ismaaciil u kaxeeyeen Nairobi

by admin | Tuesday, Dec 30, 2014

Gado : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Kenya si qasab ah ku kaxeysteen Sakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab oo dhawaan isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo la fillayay in maanta loo soo duuliya magaalada Muqdisho si loogu wareejiyo gacanta ciidamada nabad-sugida.

Col Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta gudaha xaqiijiyay in sarkaalka looBREAKIN dhoofiyay dhinaca magaalada Nairobi, halkii loo baahnaa in loo soo duuliyo magaalada Muqdisho, waxaaa uu sheegay in saraakiil Kenyaan ah ku amreen saraakiishii Soomaalida ee la soctay Sakariye in ay ka haraan.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Gado ku gacan-seyreen dabal uga yimid dowladda Kenya oo codsatay in loo soo gacan galiyo sarkaalka isa soo dhiibay.

Wixii ka soo kordha oo warar ah waan idin soo gudbin doonaa..

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!