Wararkii ugu danbeeyay booqashada wafdiga xukuumada ee Dhuusa-mareeb

by Somali | Monday, Mar 4, 2013 | 1 views

Dr.-SaacidGalguduud : HN : Wafdiga ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulamo kala duwan la leh mas’uuliyiinta maamulka gobollka Galguduud iyo xubnaha bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusa-mareeb.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed iyo wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay kulamada uu la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Galguduud iyo iyo dadweynaha waxaa uu kaga warbixiyay xaalada siyaasada dalka iyo waliba wax yaabihii u qabsoomay dowladda mudadii mudadii koobenyd oo ay jirtay, waxaana uu siweyn u amaanay bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusa-mareeb oo siweyn u soo dhaweeyay wafdiga xukuumada Soomaaliya.

Lama oga mudada uu wafdiga ku sugnaan doono magaalada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya  in ay si guudbi doonaan deegaanno kale oo ka tirsan gobollka.

Amniga magaalada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud waxaa guud ahaanba sugaya ciidamada AMISOM maalintii shalay ka ruqaasaday saldhigayada ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne.

Booqashada wafdiga ayaa qeyb ka ah safaro todobaadyadii ugu danbeeyayba uu ku kala bixinayay ra’iisal wasaaraha gobollada dalka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!