Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo ka dhacay xadka Hiiraan iyo Itoobiya

by admin | Tuesday, Jan 20, 2015

Beledweyne: HN :– Inta la og-yahay ku dhawaad 20 ruux oo ayaa ku dhimatay tiro intaa ka sii badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo waqtigan ka soconaya deegaanno u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Itoobiya.

Wabarigii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in maleeshiyo beelleed  gacan militari ka hellaya ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya ee  Liyuu booliiska weerar culus ku qaadeen tuullada lagu magacaabo Xoda-oglle oo sidda lagu soo waramayo uu ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

IMG00043

Askari ka tirsan Liyuu Booliska Itoobiya oo meyd ah dagaalkii maanta.

Maleeshiyada iyo ciidamada Liyuu booliiska ayaa siddoo kale weerar ku qaadeen deegaanka Deefoow halkaa oo iska horimaad culus ay kula galleen maleeshiyo waayadii ugu danbeeyayba gacanta ku hayay deegaanka Deefoow.

Qof rayid ah oo ku sugan meel aan wax badan ka fogeyn halka lagu dagaallamayo ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen subaxnimadii hore ee saakay dhawaqa hub culus oo loo adeegsanayay dagaallka waxaana uu intaa ku darray in dhinacyadii weerarka soo qaadan dib loo celiyay.

Qofka warbaahinta la hadllaya ayaa sheegay in rasaasta iyo dhawaqa hubka culus ee leysku ridayo hadda muuqdaan kuwo ka fog deegaannadii lagu dagaallamay suxbaxnimadii hore ee saakay, taasoo muujineysa in dhinacyadii weerarka soo qaaday dib loo celiyay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobolka ay ka soo saareen dagaalka oo noqonaya kii ugu cuslaa oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacay deegannada ku teedsan xadka gobolka Hiiraan iyo Itoobiya.

Dhinacyada iska soo horjeeda ayaa wali gurmadyo kala duwan hallaya, waxaana muuqata in waliba ay jirto xiisad colaadeed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!