Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Deefoow

by admin | Tuesday, Oct 14, 2014

Beledweyne : HN :– Kaddib dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan ayaa wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya waxaa ay sheegayaan in xaalada waqtiga u muuqato mid degan, kaddib markii ay gudaha u galleen deegaannka garab ka mid ah dhinacyadii uu iska horimaadka dhaxmaray.

Dad kala duwan oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in dagaal qaatay saacado dhowr ah uu dhaxmaray xoogagga iska soo horjeeda, kaasoo sababay khasaare ballaaran oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac intaba.

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la soo gaarsiiyay dhaawaca 19 ruux oo ka tirsan garab ka mid ah dhinacyadii uu dagaallkabeled-xaawo dhaxmaray, halkaa tiro kale oo intaa ka badanna la sheegay in la dhigay isbitaalo gaar loo leeyahay oo ku yeella xaafada Howl-wadaag.

Dhaqaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la tacaalaya wax ka qabashada xaalada dhawacyada la soo gaarsiiyay oo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Dagaalka deegaanka Deefoow oo ah dhul beereed ayaa marar badan waxaa ku soo noq noqday dagaallada u dhaxeeya labada beelloow oo isku mari la’a muran ku saleysan lahaashaha deegaannada lagu dagaallamayo oo qolaba ay gaar u sheeganeyso, waxaana hishiis colaada laga gaaro ku fashilmay dhinacyo kala duwan oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka mid tahay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!