Wararkii ugu danbeeyay dagaal Gaalkacyo ku dhaxmaray Puntland iyo Galmudug

by admin | Sunday, Nov 22, 2015

Gaalkacyo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay hada dagan tahay kaddib dagaal xoogan oo subaxnimadii hore ee saakay ku dhaxmaray Gaalkacyo ciidammada maamul gobolleedka Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa saakay ka qarxay xaafada Garsoor oo ah xadka kala qeybiya labada maamul goboleed, waxaana dhinacyada dagaalamayay ay is dhaafsanayeen rasaas culus iyo kuwa fudud, waxaana dagaalka ka dhashay qasaaro kala duwan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dhinacyadii dagaalamay ka dhinteen 10 ruux halka ay dhaawacyo kala duwan oo soo gaareen tiro kale oo intaa ka sii badan,, waxaana dadka ay waxyeeladu soo gaartay ku jira dad shacab ah oo ka agdhawaa halka lagu diriiray.

GaalkacyoMasuuliyiin u hadlay labada Maamul ayaa midba kan kale dusha uga tuuray masuuliyada dagaalkaasi, waxaana Maamulka Galmudug Wasiirkooda Amniga uu sheegay in Ciidamada Puntiland ay saakay duulaan la qorsheeyay ay kusoo qaadeen deegaanadooda.

Taliyaha Ciidamada Birmadka Gaalkacyo Mamaulka Puntiland Cabdirashiid Xasan Xaashi ku eedeeyay maamulka Galmudug in ciidankooda ay dagaalka bilaabeen kuna soo gardaroodeen, mana jiro ilaa hada cid si rasmi ah u faah faahisay dagaalka dhacay iyo sababta keentay.

Shacabkii ku dhaqnaa xaafadaha lagu dagaalamay ayaa barakacay, waxaana wali taagan xiisada dagaal iyadoo laga cabsi qabo in ay mar kale is fara saaraan dhinacyada maanta ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!