Wararkii ugu danbeeyay dagaallka degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

by admin | Thursday, Feb 12, 2015

Guri-ceel : HN :– Ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku geeriyootay tiro ka badan 25 ruuxna waa ay ku dhawacmeen dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada ayaa sheegaya in xoogagga Ahlu Sunna dib isaga caabiyeen weerar culus oo uga yimid ciidammada dowladda oo gacan ka hellaya maleeshiyo beelleed deegaanka ka tirsan, kuwaa oo isku dayay in ay la wareegaan gacan ku heynta xarumaha muhiimka ah ee degmada.

Qof goob jooge ah oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ciidammada dowladda gacan militari ka hellayeen maleeshiyaad deegaankaIMG_AA5A22-BE40A6-DF88A1-7408CA-E184B1-5724D3, hasse ahaatee xoogagga Ahlu Sunna ugu danbeyntii ku guuleysteen in ay sii adkeystaan gacan ku heynta degmada, iyaga oo dibada uga saaray degmada ciidammadii dowladda iyo maleeshiyadii wadda soctay.

Dadka ayaa ku dhaqan Gu-ceel ayaa iyaga oo ka faa’ideysanaya saacadaha kooban ee xasiloonida magaalada waxaa ay durbaba bilaabeen in ay isaga cararaan guryahooda, waxaana ay u baxsanayaan deegaannada kale ee nabadoon.

Wali xaaladu waa ay cakiran tahay dulleedka magaalada waxaa la maqlayaa hub culus oo ay isku ridayaan xoogagga Ahlu Sunna iyo ciidmmada dowladda.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!