Wararkii ugu danbeeyay doorashada Soomaaliland Sawirro

by wadani | Monday, Nov 13, 2017

Hargeysa : HN :-Doorashada madaxtinimada  Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga bilaabantay dhamaan deegaanada Somaliland kaasi oo lagu dooranayo madaxwaynaha hogaamin doona shanta sano ee soo socda.

Waxaa codeyntu ay ka bilaabantay dhamaan xarumihii loogu talogalay oo ahaa 1642 goobood mark laga reebo saddex goobood oo ka tirsan gobolka Sool, wariyaha idaacada Kulmiye oo soo maray xarumo badan oo doorashadu ka dhacaysa oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in codbixinta doorashadu ay si habsami ah u socoto oo ilaa imika aanay arag dhibaato hortaagan.

“Farteena oo aan shaki laheyn oo hal cod iyo qof ayaanu dooran karnaa madaxwaynaha ina hogaamin doona, doorashadu wali way socotaa ilaahay nabad ha inoogu dhameeyo”ayuu yidhi Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka codeeyay xarunta hoolka shaqaalaha, waxaa sidoo kale xaruntaasi ka codeeeyay musharaxiinta ku tartamaya kursiga madaxwaynaha ee Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  Cirro iyo UCID Faysal Cali Waraabe oo dhamaantood shacabka ugu baaqay inay si nabad ah ku codeeyaan.

Doorashada Somaliland maanta ka bilaabantay ayaa la filayaa in lasoo gabagabeyn doono lixda fiidnimo, inkasta oo afhayeenka komishanku warbaahinta u sheegay in sanaaduuqda la xidho doono marka dadku wada codeeyaan.

Doorashada Somaliland maanta ka bilaabantay waxaa kaso qeyb galay 60 goobjooge oo caalami ah kuwaasi oo ka kala yimid 27 dal oo aduunka ku yaala, waxaa ay Somaliland dalalkaasi ka taageeraan arrimaha doorashooyinka.

Dhamaan suuqyada iyo meheradaha ganacsiga ayaa xidhan waxaana la joojiyay gaadiidka dadweynaha oo aan loo ogoleyn inay maraan doorashada wakhtiga ay dhamaanayso dariiqyada, waxaana gudaha Hargeysa ka dhex shaqeynaya 100 gaadhi oo astaanta komishanka lagu dhajiyay.

Wariyaha idaacada Kulmiye ee Somaliland ayaa sheegaya in safafku ay dhaadheeryihiin islamarkaana wakhtiga doorashada loogu talagalay ay dhaafi karto, waxaa uu wariyuhu sheegayaa in marka caawa la xidho sanaaduuqda lagu codeynayo  ay tirinta codeynta bilaabi doonaan komishan doorashooyinka Somaliland, waxaa la filayaa in doorashada lagu dhawaaqi doono 20 bishan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!