Wararkii ugu danbeeyay ee degmada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Sunday, Oct 5, 2014

Taangiga-AMISOM-374x300Baraawe :HN :– Degmada Baraawe oo 200km dhinaca koonfur Bari kaga beegan magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah gacan ku heynteeda ula wareegay ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo saakay xili hore gudaha u gallay degmada.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Baraawe ayaa sheegaya in ciidammada dowladda isku fidiyeen guud ahaanba magaalada, waxaana la sheegay in ay xiligan ku sugan yihiin saldhiga degmada iyo dekeda Baraawe.

Mas’uuliyiinta maamulka dowladda ee qeybta ka ahaa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in xaalada guud ee degmada tahay mid degan dadka shacabka ahna ku sugan yihiin guryahooda, iyaga oo beeniyay in degmadu cidlo tahay shacabkana mar hore isaga baxeen.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee dowladda Somalia, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay la kulmayaan maanta waxgaradka degmada Baraawe.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa inta badan marka ay jiraan munaasabada sidda ciiddaha oo kale waxaa ay dadku u sheegi jireen in waligood isaga bixi doonin degmad Baraawe kuna dagaallami doonaan, laakiin taa  ma dhicin oo ciidammada dowladda iyo AMISOM si nabad-gallyo ah ayeey ula wareegeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!