Wararkii ugu danbeeyay degmada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Saturday, Oct 4, 2014

Muqdisho  : HN :– Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa lagu warmayaa in wax ka yar 10km u jirsadeen degmada Baraawe, kaddib markii gallinkii danbe ee maalintii shalay halkaa isaga baxeen xoogagga Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siddii oo la socda ciidammad ku sii jeeda Baraawe ayaabaraawe warbaahinta u sheegay in sababta ilaa iyo hadda ay u galli la’yihiin degmada tahay in shacabka si nabad ah uga qeyb-gallaan munaasabada Ciidda-carafo, laakiin waxaa uu sheegay waqtiga aysan jirin awood militari oo hor taagan ciidamadooda.

”Odayaashii iyo waxgaradkii degmada ayaa noo yimid oo aan is aragnay waxaa ay naga dalbadeen in aan dadka la qal-qal galin oo loo ogolaado in ay si nabad ah u ciidaan, annagana arrintaa waan ka aqbalnay ayuu yiri,” guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe.

Lama oga halka ay wajaheen xoogaggii Al-shabaab ee degmada isaga baxay, inkastoo wararka qaar sheegayaan in ay difaacyo ka sameysteen dulleedka magaalada, taasoo baqdi iyo walaac intaba ku abuurtay dadka ku dhaqan Baraawe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!