Wararkii ugu danbeeyay ee degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Sunday, Jun 7, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :- Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xaaladu waqtiga degan tahay, islamarkaana gabi ahaanba degmada gacanta ku hayaan xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Afhayeen u hadllay Ahlu Sunna oo lagu magacaabo C/nuur Maxamed Xuseen  ayaa sheegay in dagaal la’aan kula wareegeen degmada Dhuuso-mareeb, ayna weli sii wadi doonaan qorshahooda ah inay dib ula wareegaan deegaannadii ay horay uga talin jireen.

“Degmada Dhuuso-mareeb waxaa gacanta ku haysa Ahlusunna, dagaal dhacayna ma jiro, waxaana doonaynaa inaan deegaannno kale oo hor leh aanu gaarno,” ayuu yiri Afhayeenka Ururka Ahlusunna Waljmaaca.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay muddo Toddoba sano ah kula Dagaallamayeen Al-shabaab Deegaannada Gobollada Dhexe,Ciidamada_Ahlusunna_Waljamaaca ayna doonayaan in ay Kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee ku haray deegaannadaas ay ka xoreeyaan.

“Qorshaheenu waa inaan deegaannadii aan kula dagaallanay ururka Al-shabaab ka Sifeyno haraadiga Al-shabaab, meelo kale ayaana gaaraynaa xilliyada soo socda deegaanno kale oo gobollada dhexe ka tirsan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdinuur Maxamed.

Afhayeenka ayaa la weydiiyay ujeeddada ay Dhuuso-mareeb u Weerareen, Maadaama ay  horay Dowladda heshiis ula galeen, ayuu kaga jawaabay inaysan jirin weerar ay qaadeen; wax dhibaato ah oo dhacayna aysan jirin, laakiinse ay dib ugu soo laabteen deeganno ay ka taliyaan oo ay Dhuuso-mareeb ka mid tahay.

“Bur-burka Heshiiskas Waxaa mas’uul ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, Dhankeeda ayuuna ka burburay. Waayo dowladdu waxay ka baxday qodobbo heshiiskaas ka mid ah oo ay ahayd in mar hore la fuliyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dagaalladan mar kale ka soo cusboodaanay gobolka Galguduud ayaa imanaya xili magaalada Cadaado loo fadhiyo shirka dhismaha mamaulka gobollada dhexe

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!