Wararkii ugu danbeeyay dagaaal ka dhacay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

by admin | Tuesday, Feb 10, 2015

Gui-ceel : HN :– Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Guri-ceel ee gobolka Gobolka Galguduud, waxaana wararku sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 12 ruux tiro ka badan 20 ruuxna ay ku dhinteen.

Dagaalka saakay dhacay o ahaa mid culus ayaa dhaxmaray dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna iyo ciidammada maamulka dowladda ee degmadaDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud, kaddib markii xoogagga Ahlu Sunna weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidammada dowladda.

Guddoomiyaha gobolka ee dowladda Xusseen Cali Weheliye Cirfo oo dagaalka ka hadllay ayaa sheegay in sheegay in weerarka saakay ay soo qaadeen kooxo u adeegaya ama taageersan Al-shabaab, kana hor tageen sidda uu hadalka u dhigay ciidammada dowladda.

Dad ku sugan Guri-ceel oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in gacan ku heynta degmada ay la wareegeen xoogaggii weerarka soo qaaday ee Ahlu Sunna.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!