Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Dhuusa-mareeb

by admin | Monday, Jun 8, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya xaaladu waqtiga degan tahay, kaddib markii maalintii shalay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Dad ku sugan magaalada oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in goobihii ganacsiga iyo isku socodkii dadweynaha ay si gaabi ah dib u ugu soo laabanayaan.dhuusamareeb1-620x264

Dagaalamayaasha Ahlu Sunna ee maalintii shalay ciidammada dowladda ka saaray Dhuusa-mareeb ayaa fariisimo ka sameystay gudaha daafaha magaalada, waxaana soconaya dhaq-dhaqaaqyo militari oo ay waddaan ciidammada dowladda oo doonaya in ay dib ula wareegaan degmada.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa sheegay in xoogagga hubeysan ee la wareegay Dhuusa-mareeb dowladda tallaabo ka qaadi doonto, isaga oo tallaabada ay qaadeen ku micneeyay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo shirweynaha ka soconaya Cadaado.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!