Wararkii ugu danbeeyay shirka maal-gashiga ee ka socda magaalada Dubai

by admin | Wednesday, Sep 16, 2015

Dubai : HN :– Magaallada Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka Carabta waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay maalgashiga Dalka Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galay Wasiiro katirsan Dowlada Soomaaliya.

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, waxaana hirkan intii uu socday diirada lagu saarayay fursadaha maalgashi ee dalka Imaaraadka Carabta uga banaan Dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Khalid Ghanim Al Ghaith oo ugu horeyn kulanka hadal kooban ka dub_2jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu sare u qaadayo fursadaha ku aadan in maalgeshi lagu sameeyo gudaha Soomaaliya.

Khalid Ghanim Al Ghaith, ayaa cadeeyay in shirka la isku raacay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay ganacsatada Imaaraadku maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo isna ka hadlayay gaba gabadii shirka ayaa sheegay in kulanka uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay sii xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waxa uuna ku amaanay Imaaraadka garabka ay siineyso Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha Taageerada waa weyn u fidiya Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka gudaha Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan sida dhismaha Isbitaalo iyo Xeryo lagu tababaro ciidanka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!