Wararkii ugu danbeeyay xaalada deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan

by admin | Saturday, Mar 21, 2015

Dagaal-Beeleed-300x225Beledweyne : HN :– Wararka naga soo gaaraya deegaaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay halkaa uu sababay khasaaraha in ka badan 15 ruux oo dhinacyadii dagaallantay ka tirsan.

Wali waxa la soo sheegayaa xiisad dagaal iyo abaabul labada dhinac ah oo halkaa ka soconaya, waxaana laga cabsi qabaa dagaal mar kale dib uga qarxa deegaannka oo ay isku hor fadhiyaan labada maleeshiyo.

Dagaallkii maanta dhacay ayaa la leeyahay waxaa qeyb ka ahaa ciidammo ka tirsan kuwa dowlad deegaanka Itoobiya ee Liyuu booliiska, sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad arkay ciidammadaas.

Maalmihii u dambeeyay ayaa xaalada deegaanka aheyd mid degan, waxaana horay u jiray baaqyo ka soo baxay dowladda Federaalka oo lagu dalbanayay in la joojiyo dagaalka, iyadoo booqasho bishii hore ay ku tageen Beledweyn madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ay labaduba codsadeen in dagaalka la joojiyo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!