Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Caabud-waaq

by admin | Thursday, Sep 10, 2015

Caabud-waaq : HN :– Wararka naga soo gaaaraya degmada Cabud-waaq, ayaa sheegaya in tiro ka badan 20 rdagaal-beeleeduux ku dhinteen dagaallo culus oo soo gaaray ilaa maqribnimadii xalay ku dhaxmaray gudaha degmada ciidammo taabacsan maamulka Galmudug iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Wararka saakay naga soo gaaray degmada, ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay, islamarkaana inta badan deegaannada lagu dagaallamay gacanta ku dhigeen ciidammada taabacsan maamulka Galmudug.

Xoogagga Ahlu Sunna ee laga saaray Caabud-waaq ayaa ku sugan meel dulleedka ka ah degmada, halkaasoo ay ka waddaan is abaabul, waxaana jira gurmadyo kala duwan oo labada dhinac ka soo gaaraya degmooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Dadkii rayidka ahaa ee ku dhaqnaa degmada, ayaa intooda badan barakacay, iyaga oo u tallaabay deegaannada dariska la ah gobolka, sidda dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!