Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Gaalkacyo

by wadani | Sunday, Oct 16, 2016

Gaalkacyo : HN :-Xaalad degenaansho oo aan cago adag ku taagneyn ayaa saaka ka jirta magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaalo iyo duqeymo xooggan xalay ka dhacay koofur galbeed magaalada, halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaaladii iyo duqeymihii xalay ayaa ahaa kuwo ku dhacayay meelo ka baxsan aaggaga ay isku hor-fadhiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaaladii iyo duqeymaha la is weydaarsanayay, waxaana ciidamada dagaalamaya oo qiyaastii Hal KM isu jira la sheegay in goobaha ay difaaca ku jiraan ka tuurayeen rasaasta culus.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Garaash ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ciidamo u soo dirtay Gaalkacyo, si ay dagaalka uga qeyb qaataan, isla markaana ay taageeraan Ciidamada Galmudug.

Ma jirto illaa iyo hada xal laga gaaray xiisada dagaal ee gashay maalintii 10aad, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka labada dhinac.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!