Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Paris oo ay xalay ka dhaceen qaraxyo culus

by admin | Saturday, Nov 14, 2015

151114024946_french_president_francois_hollande_attended_the_concert_hall__paris_640x360_afpParis : HN : –Wararka ka imanaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegaya in xaalad deg deg ah lagu soo rogay dalka oo idil kadib markii habeenkii xalay ahaa uu dalkaasi ka dhacay weeraradii ugu xumaa ee taariikhda dhaw soo mara, kadib markii Weeraro kala duwan lagu qaaday goobo ku yaala magaalada Paris.

In ka badan 120-qof ayaa ku dhintay weerararo isugu jira ismiidaamin iyo kuwa toos ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Paris, waxaa sidoo kale weeraradaasi ku dhaaacmay boqolaal qof oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah.

weerar-faransiiskaWeeradan ka dhacay Magaalada Paris oo ahaa kuwa aad isugu dhawaa ayaa kii ugu qasaaraha badnaa waxa uu ka dhacay Tiyaatarka Bataclan, xili ay kasocotay bandhig Muusik, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan 100-qof tiro kale oo badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Waxaa sidoo kale Weeraro kale ka dhaceen banaanka hore ee garoonka kubada cagta ee Stade de France, halkaas ay kuwada ciyaraayeen xiligaasi Xulalka Faransiiska iyo Jarmalka, waxaana weerarkaasi sidoo kale ka dhashay qasaaro kala duwan.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande , ayaa xiliga weeraradu dhacayeen waxa uu ku sugnaa garoonka kubada cagta ee Stade de France, waxa uuna daawanayay ciyaarta u dhaxeysay Faransiiska iyo Jarmalka, Madaxweynaha ayana si deg deg garoonka looga saaray.

paris-qaraxyo-2Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg deg ah, waxaana Magalaada Paris iyo Magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala lagu soo daadiyay kumanaan askari oo amaanka xaqiijinaya.

Weerarada xalay ka dhacay Magaalada Paris oo isugu jiray kuwa is qarxin ah iyo Weeraro rasaas loo adeegsaday ayaa sidoo kale lagu qaaday baarar iyo goobo kale oo lagu caweeyo, waxaana laga yaabaa in qasaaraha inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

paris-qaraxyo-4Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!