Wareegto kasoo baxday Mareeyaha Hay’ada Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada‏

by admin | Friday, Jun 19, 2015

Hawada sare ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay dowladii dhexe burbutay 1991kii waxaa maamulkeeda gacanta ku hayey Hay’ad ay u xilsaartay Qaramada Midoobay oo la yiraa Civil Aviation Care Taker Authority for Somalia (CACAS) oo uu fadhigeedu yahay Nairobi.

Dowladihii kala duwanaa ee soomaaliya ayaa isku dayey in ay dib u soo ceshadaan maamulka hawada sare ee Soomaaliya balse waxaa ay la kulmayeen shuruudo isku mid ah kuwaas oo kala ah:-
a- In la helo shaqaale u tababaran howsha Aviation-ka oo xirfadleyaal ah
b- In la helo qalab dhameeystiran oo howshaa lagu qabto iyo
c- In la qoro dhamaan shuruucdii kala hagi lahayd howlaha ay hay’adu qabato.

Hadaba Maaareeyaha Hay’ada Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada dowlada Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga wadanka Talkyaaniga ayaa sheegay inuu safarkiisu la xiriiro sidii uu shaqaalihii hore ee Hay’ada ee ku firirsan dunida dacaladeeda dib ugu celin lahaa wadanka si ay gacan uga gaystaan howsha soo wareejinta Hawada Soomaaliya oo ay hada gacanta ku hayso Ururka Duulimaadka caalamiga ah oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ICAO.

Mareeyaha ayaa sheegay in ay howshu meel fiican u mareeyso uuna ku guuleeystay tiro shaqaale oo u balan qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayaan Soomaaliya.

Waxa kale oo uu maareeyuhu sheegay in uu shaqaalahan u magacaabay labo jago oo kala xiririyaha hayada iyo ICAO iyo Maaluha qaybta maaxida hawada. Waxa uuna u kala magacaabay Jamaal Qaasim Mursal oo uu u magacaabay qaybta Hawo Maaxida (Air Navigation). Halka uu Axmed Macallin Xasan uu uga magacaabay Xiriiriyaha hayada iyo ICAO (Focal Point to ICAO).

Ahmed_Moalim_Hassan-Focal_point_SCAMA_to_ICAO

Jamal_Mursal

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!