Wargeyska The Star oo sheegay in uu ka qoomameynayo sawir ay ku daabaceen wargeyska

by admin | Friday, Jan 16, 2015

Nairobi : HN :–Wargayska The Star oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Kenya ayaa raalli-galin ka bixiyay sawir af-lagaaddo ku ah Nabigeenna Muxamed NNKH oo wargeyska lagu daabacay Arbacadii lasoo dhaafay, kaasoo ka mid ahaa kuwii uu horay u daabacay wargeyskii lagu weeraray Paris ee Charlie Hebdo.

Maamulka wargayska The Star ayaa sheegeen inay ogaadeen in katoonkaan lagu daabacay wargeyska Arbacada uu meel ka dhac ku yahay dadka muslimiinta ah ee caalamka ku nool, gaar ahaan kuwa Kenya, isla markaana ay raalli-gelin ka bixinayaan.

“Wargaysku waxaa uu si buuxda raalli-galin uga bixinayaa kartoon afla-gaaddo ku ah Nebi Muxamed (NNKH) oo laguthe-star-logo daabacay cadadkii soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay. Kaasoo ay si weyn uga caroodeen muslimiinta caalamka iyo kuwa Kenya,” ayay maamulka wargeyskan ku sheegeen raalli-gelintooda.

“Mas’uuliyiinta wargayska The Star aad bay uga qoomameynayaan sawirkaas iyo daabacaadiisa.” iyagoo sheegay inay ahayd mid gef ku ah muslimiinta iyo diintooda Islaamka.

Raali-galinta wargeyska  ayaa ku soo beegantay han-jaadyo kaga yimid muslimiinta Kenya iyo sidoo kale weerarro kaga yimaada xoogagga Islaamiyiinta ah oo ay ka mid tahay Al-shabaab.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii rag hubeysan weerar ku qaadeen wargeyskii sawirradan horay u daabacay ee Charlie Hebdo, halkaasoo ay ku dileen 12-qof oo ay ku jireen sideed suxufi oo wargeyskaas ka howlgalayay.

Ugu danbeyntii, tallaabadan ayaa imaanaysa xilli golaha warbaahinta Kenya ay ku hanjabeen inay xiri doonaan wargeyska The Star, kaddib markii lagu daabacay sawirro lagu afla-gaadeynayo Nebi Muxamed NNKH.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!