Wariyayaashii idaacdaha Shabeelle iyo SKY FM oo maxkamad la soo taagayo

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa lagu waddaa in maalita barri ah maxkamad la horkeeno labo wariye oo ka kala tirsanaa Idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM oo mudo ku dhaw shan biloow oo xira dowladda Soomaaliya.

Waxaa ay noqonaysa muddo ka badan shan bilood kaddib in labada wariye oo lugu kala magacaabo Maxamed Bashiir Xaashi iyo Maxamuud Daahir Carab la soo taago maxkamad maalinta berri ah oo Talaado ku beegan.

September 21-keedii ayaa maxkamadda gobolka Banaadir waxaa la hor-keenay milkiilaha idaacadda Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamed iyo wariye Axmed Cabdi Xasan oo ahaa ku-xigeenka madaxa wararka idaacada, waxaana la filayaa in iyaguna ay maxkamadda kasoo muuqdaan mar kale.

Wariye Maxamed Bashiir oo ahaa madaxii wararka ee Idaacadda Shabelle ayaa la xiray todobaadyo kaddib markii albaabada loo laabay Idaacadda bishii Ogoosto ee sanadkii 2014-kii, waxaa kaloo wehliya Maxamuud Carab oo ahaa agaasimaha idaacadda SKY FM oo la mataan ah Shabelle oo iyana ciidamadu ay albaabada u laabeen la xiray isla bishii Ogoosto.

Ehellada Maxamed Bashiir iyo Maxamuud Carab ayaa sheegay inay rajo ka qabaan inay dib u helaan xoriyadododa, haddii ay helaan cadaalad, waxaana la ogeyn go’aanka ay maxkamaddu ka qaadan doonto labadan wariye.

Xeer-Ilaalinta guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa horay u sheegay in idaacadda Shabelle ay warar been abuur ah baahisay, kuwaasoo uu xusay in ay ka horimaanayeen amniga dalka, iyadoo ay tahay idaacadii tan iyo markii la xiray ay idaacaddu hawada ka maqnayd.

Idaacahada ay ka xiran-yihiin wariyaashan waxaa ay ka mid ahaayeen kuwa loogu dhagaysi badan-yahay ee ka howlgala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!