Wariyayaashii TV-ga Universal oo dib xorriyadoodii u hellay

by admin | Wednesday, Oct 7, 2015

Muqdisho : HN :-Waxaa goor dhaw dib xorriyadoodii u hellay  wariyayaashii i Telefishinka Universal oo muddo lix maalmood ah ku xirrnaa xabsiga hay’adda nabad-sugida Qaranka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sii deynta wariyayaasha ka danbeysay markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday XeerCabdullaahi_Kulmiye_Xirsi_Cawil_Daahir_Salaad_660 Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in Wariyeyaashaas la sii daayo.

Agaasimihii Bariga Afrika ee Telefishinka Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Dahir Salaad ayaa jimcihii la soo dhaafay la xiray.

War saxaafadeedka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in arrinta ku saabsan xildhibaanada ka qeyb galay doodaas looga hadli doono Baarlamaanka gudihiisa, isla markaana loo gudbinayo arrinta anshaxa ee Baarlamaanka.

Labada Xildhibaan oo kala ah Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xor aheyn oo ajnabi heysto.

Inkastoo la sii dayay wariyayassha, ayaan hadda la ogeyn in xaruntii TV-ga ee magaalada Muqdisho oo shaqada laga joojiyay siddoo kale iyana dib loo fasaxay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!