Wariyayashii Idaacada Shabeelle oo mar kale maanta maxkamada ka soo hor muuqana

by admin | Sunday, Feb 15, 2015

Muqdisho : HN :– Milkiilaha Idaacada Shabelle ee damaanada lagu sii daayay iyo wariyeyaasha xiran ee Idaacada Shabelle ayaa maanta mar kale lagu wadaa in la soo taago Maxkamada Gobolka Banaadir, si ay u qaado dacwado loo heysto.

Wariyeyaasha xiran oo kala ah Agaasimihii Idaacada SKY-FM Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir oo ah Tifaftirihii Shabelle ayaa labaduba xiran muddo lix bil ah, kuwaasoo aan wali Maxkamad xukumin.

Ehelada labada wariye ee wali xabsiga ku jira ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in lagu soo oogo dacwado hor leh, iyagoo codsaday inShabelle ay rajeynayaan inay helaan cadaalad, maxkamadeyntoodana ay u dhacdo si Cadaaladda waafaqsan.

Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse ayaa sheegay in wariyeyaasha xiran Idaacada iyo Milkiilihii Idaacada Maxkamad la soo taagi doono maanta oo arbaco ah, waxaana uu rajo ka muujiyay in qareenka u doodaya wariyeyaasha inuu ku guuleysto kiiska loo heysto, si ay xornimadooda u helaan.

Horaantii bishii Janaayo ee sanadkan ayay aheyd markii Maxkamada Gobolka Banaadir ay dib u dhigtay dacwadooda, kadib markii ay soo xaadiri waayeen qareenadooda, iyadoo maanta oo taariikhdu tahay 15 Febraayo la filayo inay mar kale Maxkamada ka soo hor-muuqdaan.

Idaacada Shabelle iyo SKY oo ahaa labo idaacadood mataano ah ayay ciidamada ammaanka albaabada u laabeen bishii Agosto ee sanadkii hore, markii labadaas idaacadood lagu eedeeyay inay baahinayeen warar ka dhan ah Ammaanka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!