WARIYE Axmed Xassan Cowke oo saakay ku geeriyooday magaalada Jigjiga

by admin | Tuesday, Nov 17, 2015

Jigjiga : HN :–Alle ha u naxariisteen waxaa saakay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday wariye Axmed Xassan Cowke  oo maalmihii ugu danbeeyayba xanuusanaa.

Wararka ayaa sheegaya wariyaha ayaa subaxnimadii hore ee saakay u geeriyooday xanuun dhinaAxmed_Xasan_Cowkec wadnaha ah taasoo keentay in markii danbe uu wadnuhu istaago.

Axmed Xasan Cawke ayaa u soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC iyo VOA, waxaa uu mar soo noqday wariyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale waxaa uu ka shaqeeyay telefishinkii Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa tabintii ciyaarihii gobolada iyo horyaalada kubadda cagta, waxaa uu ahaa wariye madadaale badan.

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa muddooyinkii dambe ka soo shaqeeyay Telefishinada Soomaalida, sida Telefishinkii Universal tv, Horn cable TV iyo Telefishinka Somaliland National TV.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!