Wariye Cabdullaahi Macalin Cismaan oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Beledweyne

by wadani | Wednesday, Sep 13, 2017

Muqdisho : HN :-Allaha unaxariiste waxaa Magaalada Muqdisho Ku geeriyooday Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo ahaa wakiil wareedka Jubbaland Tv ee Gobolka Hiiraan kaaso ku dhawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad Ku taala afaafka hore ee laga galo xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Marxuumo Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo dhawac ahaan loogu qaaday Magaalada Muqdisho ayaa la dhigay isbitaalka Digfeer waxaana dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka ay sheegeen in aan waxba laga qaban Karin dhawiciisa islamarkana bir ay kaga jirto madaxa taso keentay inu u geeriyoodo.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!