Wariye C/risaaq Black oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Oct 12, 2014

Muqdisho : HN :– Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay goor dhaw ku dhaawaceen gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho wariye C/risaaq Cilmi Black oo ka tirsan TV-ga Somali Chanel.

Weriye Cabdirsaaq Jaamac Cilmi oo ku magac-dheer Cabdirsaaq Black ayaa la sheegay in saddex xabbadood ay uga dhacday caloosha mar uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.

Weriyaha oo ah madaxa xafiiska Somali Channel ee Muqdisho ayaa la dhigay isbitaalka Madiina.

Dad ay saaxiibbo yihiin weriyaha ayaa sheegay in Cabdirsaaq Black muddooyinkii ugu dambeeyay loo soo diri jiray farriimo dil loogaAbdirzak hanjabayay.

Lama garanayo sababta iyo cidda ka dambeysa weerarka lagu dhaawacay weriyaha,

Telefishinka Somali Channel ayaa qurbo-joogta Soomaalida u tebiya wararka ka jira Soomaaliya, isagoo wakiillo wareed ku leh gudaha dalka iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!