Wariye Hindiya Xaaji Max’ed oo u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax lala eegtay

by wadani | Thursday, Dec 3, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyootaye Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka midHindiyo aheyd Wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV kaddib qarax lagula eegtay gaari ay wadatay duhurnimadii maanta.

Alle ha u naxariisteen Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay isbitaalka Madiina, halkaasoo dhaawaceeda la geeyay, waxaana qaraxa markii hore ay ku weysay mid ka mid lugaheeda.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Hindiya ay u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxii gaarigii ay wadatay lagu xiray.

Xilliga qaraxa lala beegsanayay ayaa la sheegay inay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo ay dhiganeysay, waxaana qaraxa uu ku qabsaday agagaarka Isgoyska Km4.

Sanadkii 2012 ayaa seygeeda oo ahaa Liibaan Cali Nuur uu ku geeriyooday weerar lagu qaaday maqaaxida The Village, halkaasoo ay ka qaxweynayeen wariyeyaal, waxaana sidoo kale ku dhintay C/sataar Dahir Sabriye oo labadaba ka wada shaqeynayeen Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee SNTV.

Hindiya ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee wariye ah lagu dilo Muqdisho tan iyo sanadkii 2007-dii xilligaasoo Muqdisho ka bilowdeen beegsiga wariyeyaasha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!