Wariye ku dhintay dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

by wadani | Sunday, Nov 6, 2016

Gaalkacyo : HN :-Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaalkii cuslaa ee maanta dib uga qarxay magaalada uu ku dhintay wariye Mahad Cali Max’ed oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala gobolka Mudug.

Ururka NUSOJ, ayaa War-saxaafadeed uu soo Saaray ku sheegay in Wariye Mahad uu ka soo gaaray dhaawac culus rasaas ku dhacday, lana dhigay isbitaalka, halkaasoo uu gellinkii dambe ee maanta ku geeriyooday.

Agaasimaha Radio Codka Mudug, Hanad Cabdi Faarax oo NUSOJ la hadlay, ayaa sheegay inay aad uga argagaxeen geerida Wariye Mahad Cali Maxamed, uuna Geeriyooday xilli uu shaqadiisa saxaafadeed ku guda-jira.

“Mahad, Waxaa ku dhacday Rasaas wiifto ah Saacaddu markay ahayd 10:30 Baqonimo ee maanta, isla markiiba waxaa dhaawac soo gaaray loola cararay Isbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday saacaddu markay ahayd 4:30 galabnimo,” ayuu yiri Hanad.

Ugu danbeyntii, wariyahan geeriyooday ayaa la sheegay in uu ahaa Suxufi aad u fir-fircoon, wuxuuna ka mid noqonaya tiro wariyeyaal ah oo sannadkan lagu dilay Somalia, kuwaasoo qaarkood toogasho toos ah lagu dilay, iyadoo dableydii toogatayna at baxsadeen.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!