Wasaarada ammniga oo qorshe u dajisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

by admin | Wednesday, Apr 15, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaarrada amnniga Qaranka ayaa si cad u shaacisay in dhawaan la soo bandhigi doono qorshe cusub oo dagaal lugula galayo al-Shabaab.

Wasiirrka wasaarrada C/risaaq Cumar Maxamed slamarkaana ah ku -simaha ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa wariyaasha kula hadlay Muqisho waxuuna sheegay in tallaabooyin cusub oo dhanka ammaanka ah la qaadi doono si loo soo gabagabeeyo al-Shabaab.

Wasiirka waxaa sheegay in xukuumadda loo qaybiyay nidaamka cusub ee lugu sugayo ammaanka,kaas oo u ku sheegay inuu wax kaWASIIR_CABDIRISAAQ_AMNI badali karo weerarrada ay fulinayaan al-Shabaab.

“Amniga waxaa lugu sugaa nidaam aad ku socoto,waana soo diyaarinay nidaamka oo ah mid looga hortagayo weerarrada ay fulinayaan al-Shabaab,xukuumadda ayaana la hor geeyay siyaasada cusub ee al-Shabaab lugula dagaallamayo,”ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Sidoo kale,wasiirku waxuu sheegay inay dadaal ku bixiyeen sidii ay xaqooqdooda u heli lahaayeen ciidammada Soomaalida ee ku dhimanaya weerarrada ay fuliyaan al-Shabaab.

“Ciidammada amniga kuwii Maka al Mukarama ku dhintay xaquuqdooda waan bixinay anniga ayaana gacantayda ku bixiyaya,haddana kuwa wasaaradda ku dhintan waan bixinayna,taas waxaan ku dooneyna inan dhisno mooralka ciidankeena,”ayuu ku daray hadalkiisa wasiir C/risaaq Cumar.

Wasiirka waxuu u sheegay shacab Soomaaliyeed in falalka ka dhacaya Muqdisho laga fuliyo dunada oo dhan,balse dowladda ay ku dadaallayso sidii looga hortagi lahaa weerarrada al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!