Wasaarada ammniga oo ugu baaqay mas’uuliyiinta iyo qeybaha bulshada in ay ka taxadiraan gadiidkooda

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

Muqdisho : HN :– Wasaaradda Amniga ayaa soo saartay digniin ku wajahan gaadiidka gaarka loo leeyahay ee mudooyinkan soo kordhay in lagu xiro waxyaabaha qarxa ee nooca Magnada leh, iyadoo u dambeeyay qarax shalay loogu xiray gaari uu lahaa nin Engineer ah.

Max’ed Yuusuf Cismaan afhayeenka Wasaaradda Ammniga ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka bulshada magaca ku leh inay mar walba ka taxadaraan gaadiidkooda, ayna dhici karaan in waxyaabaha qarxa loogu xiro.

“Waxaa ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta iyo shacabka in gaadiidkooda ay ka taxadaraan meelaha ay dhigayaan, sidoo kale waa inay iskaMaxamed-Yuusuf-170x114 fiiriyaan gaadiidka hoostiisa inta aysan wadan”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qadar Alle aan la celin karin, isla markaana wixii qoran ay dhacayaan, balse loo baahan yahay dadaal iyo taxadar in la yeesho, si qatarta ay uga bad baadaan sida uu yiri.

Shalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay degmada Hodan uu hal qof ku geeriyooday, qof kale uu ku dhaawacmay, markii gaari uu lahaa nin Engineer ah la shaqeynayay Hey’addaha Turkiga qarax loogu xiray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!