Wasaarada amniga oo heegan gelisay ciidamada amaanka magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Mar 6, 2015

Muqdisho; HN;- Wasaarada amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in heegan buuxa la geliyay Ciidamada amaanka xilli cabsi laga muujiyay in weeraro mar kale ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa warbaahinta Dowlada u sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, kadib markii sida uu sheegay ay heleen xog ku saabsan Kooxda Al-Shabaab oo qorsheynaya falal argagixiso oo ay ka fuliyaan Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa intaasi ku daray in marka laga soo tago heeganka ciidamada la geliyey ay dhinaca kale ciidamadu howlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga ka wadaan dhamaan xaafadaha iyo isgoysyada magaalada Muqdisho.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada amaanka ee howlgalada wada maalmihii la soo dhaafay fashiliyeen weeraro uu sheegay inay shabaabku damacsanaayeen inay ka geystaan Muqfisho.

Ciidamada ka tirsan Dowlada oo afka u duuban yahay ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalo Muqdisho iyagoo dadka iyo gawaarida mid mid u baaraya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!