Wasaarrada ammniga oo dar dar galineysa howlgalada Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 23, 2014

Muqdisho : HN :– Wasaarrada ammniga Qaranka ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan dadaallada lagu dar-dar-galinayo howl galada lagu sugayo ammaanka caasimada Muqdisho, kadib markii mudooyinkii u dambeeyay ay dhacayeen falal isugu jira dilal iyo qaraxyo.

Max’ed Yuusuf Cismaan afhayeenka wasaarrada ammniga Qaranka ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in howl gallo ka ballaaran kuwii hore ay maanta bilaabanayaan, kuwaasoo lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howl galadii todobaadyadii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho lagu fashiliyay shabakadowadadaa isku xiran oo ka shaqeynayay amni darada magaalada Muqdisho sida uu yiri.

“Howlgaladaasi intii ay socdeen waxaa la helay garaashyo iyo guryo lagu diyaarin jiray qaraxyada iyo falalka amni darada ah, howlgaladaasina ay si isku mid ah uga socdaan dhamaan gobollada dalka” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka inay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga, isla markaana ay indho iyo dhego u noqdaan ciidanka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Wasaarada Amniga qaranka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ciidamadu ay howl galo ka wadeen caasimada, isla markaana dad badan lagu soo qab qabtay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!