Wasaarrada ammniga oo ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay ciidamada dowladda

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

 Muqdisho : HN :– Kaddib qarax ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidammada dowladda ayaa waxaa weerarkaas faah faahin ka bixiyay wasaarrada ammniga Qaranka.

Afhayeenka wasaarrada ammniga Qaranka Max’ed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta kula hadllay goobta uu araxa ka dhacay ee agagaarkaa xerada Afsiyooni ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay gaari laga shakiyey oo ciidamadu ay eryanayeen.

“Gaari laga shakiyey oo ay ku daba jireen ciidamo kale oo gaari watay ayaa isku qarxiyey agagaarka xerada AfsiyooniAfhayeenka-wasaarada-amniga1 ka dib markii ninkii waday gaariga la eryanayey uu arkay gaari ciidan oo hortiisa ka soo baxay sidaas ayuu falku u dhacay” ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Waxaa uu intaa ku daray in qaraxaas uu sababay geerida afar qof oo shacab ah kuwasoo uu sheegay iney la socdeen gaadiid marayey meelo ku dhow dhow goobta uu qaraxaas ka dhacay, wuxuuna xusay ineysan jirin khasaare ciidamada dowlada ka soo gaaray weerarkaas.

Waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayey afar gaari oo gubatay kuwaasoo uu kun jiray qaariga isqarxiyey, waxaana saraaksha amaanku ay sheegeen in gaadiidkaas ay lahaayeen shacabkii wadada marayey.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!