Wasaarrada ammniga oo ka hadashay sababihii loo xirray idaacada Shabeelle

by admin | Saturday, Apr 4, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixisay sababtii mar kale loo xiray Radio Shabelle ayaa sheegaya inay sii daysay codka Afhayeenka Al-shabaaba oo ka hadlaya weerarkii ay kooxdaasi dhawaan ku qaaadeen Jaamacadda Gaarisa.

“Idaacada Shabelle waxay jabisay heshiis idaacadaha madaxa-bannaan iyo hay’adaha amnigu gaareen; kaasoo ahaa inaan la sii deyn karin codka afhayeennada Al-shabaab,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Maxamed Yuusuf.

Waxaa siddoo kale sheegay afhayeenka in ciidamada ay soo qabteen wariyihii tabiyay warka ku saabsan afhayeenka Al-shabaab iyoMaxamed-Yuusuf-170x114 agaasimihii idaacadda, wuxuuna xusay inay ku raad-joogaan milkiilaha iska lahaa idaacadda.

“Arrintooda maxkamad ayaa go’aan ka gaaraysa, laamaha amniguna waxay leeyihiin inay soo xiraan idaacad walba oo ka tallaabsata xadkeeda,” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka wasaaradda amniga gudaha.

Tallabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo todobaadyo ka hor ay go’aan ka gaartay maxkamadda gobolka Banaadir xariga wariyeyaal iyo milkiilihii iska lahaa idaacadda Shabelle, kuwaasoo lagu xukumay ganaax lacageed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!