Wasaarrada ammniga oo shaacisay magacyada saraakiil Al-shabaab ka tirsanaa oo la dillay

by admin | Monday, Apr 20, 2015

Muqdisho : HN :– Saraakiisha ammniga dowladda Soomaaliya ayaa shaac ka qaaday in ciidammada nabad-galyada dowladda Soomaaliya toogasho ku dilleen labo sarkaal oo siweyn looga dhax-yaqiinay Al-shabaab.

Afhayeenka wasaarrada ammniga Qaranka Max’ed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in saraakiisha la dillay lagu kala magacaabi jiray Daahir Warsame oo Al-shabaab looga yaqiinay [C/llaahi Firdhin] iyo Xassan Sacdi.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe sidoo kale lagu dilay saddex kale oo ilaalo u ahaydMaxamed-Yuusuf-170x114 saraakiisha ay dileen.

“Ciidanmada oo xog ka hellay dadka shacabka ah waxaa ay howlgalo ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha dhexe waxay ku toogteen labo horjooge iyo saddex kale oo ilaalo u ahayd, Labo horjooge mid waxaa uu Shabaabku u qaabilsanaa amniyaadka, halka kan labaadna uu u qaabilsanaa dhanka jabhadaha, kuwaasoo dhibaatooyin ku hayay shacabka ku nool degaanno ka tirsan gobolkaasi” ayuu yiri afhayeenka.

Toogashadan ayaa noqoneysan tii ugu horeysay oo gobolka Shabeellaha dhexe lagu bartilmaameedsado saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!