Wasaarrada ammniga oo xaqiijisay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

by admin | Friday, Jan 16, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaarrada ammniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in uu isku so dhiibay dowladda Soomaaliya sarkaal lagu magacaabo  Xasan Dhubi ayaa la sheegay kaasoo la sheegay in uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo.

Afhayeenka wasaaradda amniga Somalia, Maxamed Cismaan ayaa sheegay in sarkaalkan uu ka mid ahaa kuwa sare ee Al-shabaab uuna kasoo goostay, haddana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Xasan Dhubi waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada amniga dowladda,” ayuu Maxamed Cismaan u sheegay Anadolu.Maxamed-Yuusuf Isagoo ku daray. “Wuxuu iska dhiibay sarkaalkan aroornimadii Khamiistii shalay degmada Luuq ee gobolka Gedo.”

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in isi soo dhiibidda sarkaalkan ay u tahay dowlada guul weyn. Wuxuuna xusay in Xasan Dhubi uu ahaa sarkaalka uga wakiilka ah Al-shabaab ee degmooyinka Buurdhuubo, Luuq iyo Garbahaarey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa ay wasaarrada ugu baaqday guud ahaanba saraakiisha iyo dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab in ay wali fursad heystaan, islamarkaana isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!